Ecuador(Puntland Post)-Dhul gariir aad u xoogan oo cabirkiisa lagu tilmaamay 7.8 ayaa ka dhacay Dalka Ecuador, waxayna wararka soo baxaaya shegayaan inu dilay in ka badan 77 qof, iyadoo dhaawucu intaa ka badan yahay, ayna sii kor dhayso marba-marka ka dambaysa dhimashada uu dhul-gariirkaasi sababay.
Khuburo Maraykan ah ayaa dhul gariirkan ku tilmaamay kii ugu xooganaa oo Dalkaas oo ka dhaca tan iyo mudo dheer uuna sababay khasaare aad u xoogan, oo iskugu jira Dhimasho iyo Burbur xoogan.
Dhul-gariirkan xoogiisa ayaa ka dhacay goobo ay si aada ugu badan yihiin kaluumaysato iyo Dal xiisayaal tiro badan, waxaana degaamadaas ka socda gurmad balaaran oo Dadka dhibanayaasha ah lagu badbaadinaayo.
Goobaha uu Dhul gariirku ka dhacay waxaa gabi ahaanba ka maqan korontada,Iyadoo ay xiran yihiin gabi ahaanba Garoomada Diyaaradaha, waxayna Dawlada Ecuador u aqoonsatay Masiibo Qaran.
Puntland Post