Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay Bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga

Qaar kamid ah Sawirada Dhalinyarada Bada ku dhimatay
Qaar kamid ah Sawirada Dhalinyarada Bada ku dhimatay

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo kor u dhaafaysa 400 ayaa ku geeriyootay Bada u dhaxaysa Dalalka Masar iyo Talyaaniga markii ay la qalibantay doon awoodeedu liidatay oo ay la socdeen.

Dhibaatadan aadka u xanuunka badan ayaa dhacday hameenimadii Axada , Mid kamid ah Dhalinyarada ka badbaaday masiibadan oo lagu Magacaabo Cawaale Safiir ayaa sheegay inay ahaayeen 500 oo qof ayna iminka kusoo badbaadeen 23 kaliya intii kalena ay Badda ku geeriyoodeen.

Dhalinyarada Badda ku halaagsamay ayaa Doonta ka raacay Magaalada alexandria ee  Dalka Masar waxayna kusii jeedeen Dalalka Yurub si ay nolol ka duwan tii ay ku jireen uga sameeyaan halkaas.

Qaar kamid ah eheladda Dhalinyaradan ku geeriyootay Badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga oo wajiyadooda laga dheehan karay murugo xoogan ayaa sheegay inay falkan si aada uga naxeen, Dadkan ayaa Warbaahinta la hadlay iyagoo ku sugan Magaalada Burco.

Sanad walba Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku dhinta Bada loo yaqaan Mediterranean, mana jirto talaabo muuqata oo Maamulada ka jira Dalka ay kula tacaalayaan dhibatadan xanuunka badan ee haysata Dhalintii Mustaqbalka u ahayd umadda Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo Ehelada Dhalinta geeriyootay

Puntland Post