Turkiga oo marti geliyey shirweynaha Wadamada Muslimka ah

Shirweynaha Hogaamiyayaasha Islaamka ee Turkey
Shirweynaha Hogaamiyayaasha Islaamka ee Istanbul

Istanbul(Puntland Post)-Magaalada Istanbul waxaa ka furmay Shiweynaha Dalalka Islaamka ah, waxaana Shirkaas ka qayb gelaaya Hogamiyaayasha in ka badan sodon Dal.

Mudada uu Shirweynahani socdo oo dhan labba maalmood waxaa si aada loogu faaqidi doona mar xaladaha adag ee xiligan ka jira Dalalka Islaamka oo in badan oo kamid ah ay colaado ka holcayaan, meelaha sida gaarka ah diirada loo saaraayo waxaa kamid ah Colaadaha ka jira Dalalka Suuriya iyo Yemen.

Shirweynaha waxaa ka dhex muuqda Boqorka Sacuudiga Salman bin Cabdulaziz Al-Sacuudi iyo Madaxweynaha Iraan Xassan Rouxani, kuwaas oo ay dhexayso xurguf bilihii u danbayey cirka isku sii shareeraysay, Hase ahaate marti geliyaha Shirka Recep Tayyip Erdogan ayaa si aada u doonaya inuu isku soo dhaweeyo Dalalka Islaamka siiba Sacuudiga iyo Iran oo kala haysta labadda Mad-habood ee Suniga iyo Shiicada.

Kulankan kama aysan soo qayb gelin Boqor Cabdalaha Jordan iyo Madaxweynaha Masar Cabdifitax Sisi.

Hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu amaana doorka firfircoon ee u ka qaato caawinta Dalalka daala dhaacaya ee Islaamka oo ay Soomaaliya kmaid tahay.

Islamci 2

Puntland Post