Hordhac.
Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Puntland, oo sida aad uga barateen markasta macaamiisheeda iyo dhamaan umaadd Puntland usoo siyaadisa adeegyo waxtar iyo tayo uleh, markastana tixgalisa Duruufaha is bad badala ee ay ku sugan yihiin ummadda Soomaaliyeed.
Shirkaddu waxaa ay macaamiishii ku guulaysattay mashruucii saamicelinta Bulshada, ee loogu wanqalay Hadal oo Hel, lawadaagaysaa Farxadda iyada oo u rajaynayo inay hadiyadahaas, uga faa iidaystaan dhinaca wanaagsan, dhamaan macaamiishii ka qayb gashay ee nasiibkooda tijaabiyey,waxaa ay shirkaddu u balan qaadaysaa in aysan ka daalayn in ay farxad galiso, ilaa uu macmiilkastaa ka qancayo.
Waxaan wadi doonaa adeegyada aan ugu danaynayno Bulshadeena, waxaana markasta idin lawadaagaynaa Fursadaha iyo xaalinta baahiyaha aas aasigaa ee Bulshada, waxaana ay shirkaddu balan qaadaysaa in ay gacan ka gaysatto sidii ay bulshadu si siman uga faa iidi lahaayeen hormarka caalamigaa ee isku xiraanta isgaarsiinta casrigaa, iyaga oo ku helaya qiime jaban iyo adeeg aan kala go’o lahay
Somtel waa shirkad ay shacabku leeyihiin markasta ka turjumaysa baahida Dadweynaha ay u adeegayso.
Ujeedka kulan saxaafadeedkaan.
Shirkadda Isgaarsiinta Somtel iyada oo tix galinaysa dhibaatada iyo saamaynta ay Abaaruhu ku yeesheen bulshada ku dhaqan Puntland iyo dhamaan Soomaaliya, iyada oo fiirinaysa duruufaha ad adag ee ku xeeran bulshada ay u adeegayso, sidoo kalana tix galinaysa baahida ay shacabku u qabaan adeegyada shirkadda, gaar ahaan adeega ku hadalka oo haatan gaaray inta badan Puntland aynaadeegsanayaan reer guuraa, Tuulo iyo magaalo weyn intuba.
Sidaas darteed waxaa shirkadda Isgaarsiinta Caalamigaa ee Somtel Go’aansatay in ay hoos u dhigto qiimaha ku hadalka, oo ay bulshadeeda siiso Qiimihii ugu jabnaa abid ee ay helaan, kaas oo ah IN HALKII DOOLARA LAGU HADLO TODOBAATAN DAQIIQO ($1=70daqiiqo), taas oo macanheedu yahay Qofkii ku shubta $1, in uu helayao HAL SAAC IYO TOBAN DAQIIQO.
Ujeedka qiima dhimistaan loo sameeyey ayaa ah, maadaama ay bulshadu ku jiraan xilli aad u adag, oo ay wadanka gabi ahaantiis ka jirto abaar saamaysay haba utaag darnaadeen reeguuraaguye, SOMTELna ay tahay shirkadda kaliya ee dhamaan Soomaaliya si siman uga shaqaysa, sidaas darteed waxaa ay shirkaddu Go’aan sattay in ay shacabkeeda la Qaybsatto dhibaatada saamaysay, una dhimriso.
Waxaan rajaynaynaa in macaamiishu ka faa’idaysan doonaan fursaddaa qaligaa, waxaana ay shirkaddu idiin balan qaadaysaa in ay Markasta baahidiina lajaan qaadayso, Somtela waa shirkadda uheelan markasta danta shacabka.
—————-Dhamaad—————–
=============================================================================