Baladweyne(Puntland Post)-Dagaal u dhaxeeyey labba Beelood ayaa ka dhacay meel aan sida uga fogayn Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, dagaalkan ayaa geystay khasaaro nafeed.
Xasaradda u dhaxaysa labadan Beelood ayaa ka bilaabatay muran dhul daaqsimeed ay wada degaaan Beelahan oo aan sidaa uga fogayn Baladweyne. taas oo ugu danbayntiina sababtay dagaalka maanta halkaas ka qarxay, wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ayaa tilmaamaya in Isbitaalka Magaaladaas la geeyey tiro dad dhaawac ah.
Odayaasha labadda dhinac ayaa kooxaha dagaalamaya ka codsaday inay xabadda joojiyaan, soona fariistaan miiska wada hadalka, Iyagoo labadda Ugaas ee Beelahaasna ugu baaqay inay kasoo baxaaan Shirka ka socda Jawhar ayna hogaamiyaan gogosha nabadeed ee labadda Beelood.
Degaanka dirirtu ka dhacday waxaa laga dareemayaa qax balaaran, waxayna arimahan oo dhan kusoo aadayaan xili Shirweynaha Maamulka loogu dhisaayo Gobaladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu kasocdo Magaalada Jawhar.
Puntland Post