Hargeysa(Puntland Post)-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo saxaafada kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa eedayn u jeediyey Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiir Cadaani ayaa sheegay inuusan Maamulkiisu kamid ahayn shirkii dhawaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya loogana hadlay doorashada sanadkan ka dhacaysa Dalka, balse Dawlada Soomaaliya iyo Maamuladii ku kulmay Muqdisho ay qorshaha ku darsadeen Somaliland iyagoo ka dhigaaya Maamul hoostaga Dawlada Federaalka ah.
Masuulkan ayaa sheegay inaysan qayb ka ahayn Soomaaliya, aysana khusayn doonin Doorashooyinka Bisha September ka dhacaaya Dalka.
Wuxuu ka codsaday Beesha Caalamka inay wax ka qabtaan faragelin uu sheegay Dawlada fadhigeedu yahay Muqdisho inay ku hayso arimaha dakhiliga Soomaaliland, isagoo intaas ku daray inay Dawlada Soomaaliya jabisay wada hadaladii u dhaxeeyey labadda dhinac.
Soomaaliland oo sheeganaysay tan iyo burburkii 1991 inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayey dadka degaanadaas kasoo jeeda mar walba qayb ka ahaayeen Shirarkii xal u raadinta arimaha Soomaaliya iyo Dawladihii ay shirarkaasi dhaleenba, waxaana waayadii danbe socdey wada hadalo gaabis ah oo u dhaxeeyey Dawlada Federaalka ah iyo Soomaaliland.
Puntland Post