Afhayeen u hadlay Wasaarada gaashandhiga Maraykanka ee lo yaqaan Pentagon ayaa sheegay hawl-galo ay ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya inay ku dileen tiro katirsan dagaal yahanada Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenkan ayaa tilmaamay hawl-galo ay ka fuliyeen degaanada Yoontoy iyo Cabdalla Biroole oo aan sidaa uga fogayn Magaalada Kismaayo ee Konfurta Soomaaliya inay ku dileen 12 kamid ah dagaal yahanada xarakada Al-shabaaba, Maraykanka ayaa intaa ku daray inay hawl-galadan oo daba joogay kuwo xiriir ah oo ay la beegsanayaan Al-shabaab ay fuleen si guul leh.
Kooxda Al-shabaab ayaan iyadu dhankeeda wax jawaab ah ka bixin sheegashada Maraykanka ee ah inay halkaas ku dileen saraakiil katirsan kooxdaas, mase ahan weeraradii ugu horeeyey ee uu Maraykanku ku bartilmaameedsado Al-shabaab.
Duqaymaha Diyaaradaha shisheeye ka geystaan Koonfurta Dalka ayaa sababa wax yeelada dad rayid ah iyo xoolahooda, mana jirto cid u garaabta dhibatadaas.
Puntland Post