Jordan oo albaabada u laabtay xarumihii Akhwanul Muslimiinka

A boy stands near the main entrance of the Muslim Brotherhood's office in Amman, after it was shut by the police acting on orders of the Amman governor April 13, 2016. REUTERS/Muhammad Hamed
A boy stands near the main entrance of the Muslim Brotherhood’s office in Amman, after it was shut by the police acting on orders of the Amman governor April 13, 2016. REUTERS/Muhammad Hamed

Camaan(Puntland Post)-Ciidamada Nabad galyada Caasimada Jordan ee Camaan ayaa albaabada u laabay xarumihii ururka Akhwanul Muslimiin ku lahaayeen Magaaladaas.

Ka hor inta aysan Ciidamadu xirin xafiisyada ururkaas, waxay ku sameeyeen baaritaan balaaran, ugu dambayntiina waxaa si rasmi ah loo shaaciyey in xafiisyada ururkaas aysan ka shaqayn karin Dalka, maadamada Dawlada Jordan u aqoonsantay ururka Akhwanul Muslimiin inuu sharci daro yahay, iyadoo sharci daradoodana lagu sababeeyey inaysan qaadan warqadii aqoonsiga xisbinimo sanadkii 2014.

Laamaha amniga ayaa sheegay in amarka xarumaha ururkaas lagu xiray uu kasoo baxay Gudoomiyaha Caasimada Camaan, loona arkay akhwaanku inay shaqooyin sharci daro ah kawadeen Dalka.

Akhwanul Muslimiin oo ah mucaaradka ugu weyn ee ay leedahay boqortooyada Dalkaas xukunta ayaa si aada u cambaaraysa falka ay ku kaceen Ciidamada amnigu, afhayeen u hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba ka hor imaan qaynuunka, isagoo falka ay xarumahooda u geesteen Ciidanka amnigu sharci daro cad ku tilmaamay.

Ururkaas ayaa cadaadis ba’an kala kulma Dawladaha Carabta, Dawlaa Masar ayaa iyaduna Liiska madow ee argagixisada ku dartay Akhwaanul Muslimiinka markii Madaweynaha Dalkaas Cabdifitaax siisi uu inqilaabay Dawladii ay hogaaminaayeen ee sida xorta loo soo doortay sanadkii 2011.

Puntland Post