Magaalada Bosaaso waa isha ama wadnaha dhaqaale ee Gobalada ku midoobay Puntland, waxaana Magaaladan ku nool dad ko dhow hal milyan oo qof, waxayna Dadkaasi ka kala yimaadeen dhamaan Gobalada kala duwan ee Soomaaliya, hadii ay ahaan lahaayeen kuwa Puntland,Koonfurta, Waqooyi Galbeed, Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Waqooyi Bari Kenya, Sidoo kale Bosaaso waxaa ka shaqaysta Dad tiro badan oo aan Soomaali ahyn kuwaas oo ka kala yimi Dalalka Afrika, Carabta iyo Hindiya.
Magaalada Bosaaso waxay ahayd Dekadda kaliya ee Soomaalidu ku badbaaday xiligii ay dhacday Dawladii Soomaaliya, wakhtigaas oo ay amaan xumo u xirmeen dhamaan dekadihii Muqdisho,Kismaayo iyo berbera hase ahaate Bosaaso waxay ahayd Dekad loo siman yahay oo aan Soomaalida laga weydiin qabiil iyo reer hebel, waana tan keentay inay Bosaaso noqoto Magaalo korisay,hantiilayaala ka dhigtay Soomaali badan oo ka kala timi dhamaan dhulka ay Soomaalidu degto.
Magaaladan waxaa lagu naanaysaa dhawr Magac sida “Koriso, Maskiin uroon” iyo magacyo kale waxayna naanaysahan kula baxday dhawr wax yabood oo ay kamid yihiin, Waa Magaalo u furan qof kasta oo doonaaya inuu dhaqaale ka abuuro tabartiisu intay doonto hala ekaatee, waa Magaalo aad u nolol jaban oo ay si isku mid ah ugu nolaan karaan Maskiin iyo Taajir.
Waxaa la sheega Bosaaso inay tahay Magaalo qof kasta oo subaxii suuqeeda u soo kalaha uusan gaajo hameenkii kala laaban, waayo waa Magaalo shaqo furan, uuna qof walba si fudud nolol maalmeedkiisa uga dhacsan karo.
Horumarka Magaalada Bosaaso
Magaalada Bosaaso ayaa horumaro dhinicyo badan samaynaysay tan iyo Burburkii Dawladii Soomaaliya oo ay hoy iyo hooyo u noqotay Soomaali tiro badan oo kasoo qaxay dagaaladii ka holcaayey qaybaha kale ee Soomaaliya, Dadka Bosaaso xiligaa soo degay ayaa iskugu jiray kuwo asal ahaan degaanka kasoo jeeday balse ku dhaqmay Koonfurta iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya iyo kuwa kale oo aan asal ahaan degaanadan kasoo jeedin balse amaanka halkaas ka jiray soo miciin biday.
Bosaaso oo sanado ka hor Burburkii Dalka loo aqoon jirey gaari waa, waxay mudo yar kadib isku badeshay Heli-waa, Dhulkeedii ayaa noqday kan ugu qiimaha badan Magaalooyinka Soomaaliya, waxayna noqotay Magaalada ugu koriimaha weyn guud ahaan Magaalooyinkii Dalka, dhismayaasha Magaalada oo u badnaa carshaan ama guryo dhooba ah, waxay isku badeleen saro dhaa-dheer oo afarta jiho u fiday illaa ay afka la galeen buuraha dhinicyada kaga hareeraysan Magaaladan.
Wadooyinka Laamiga ah
Bosaaso oo ah Magaalada ugu weyn uguna Dadka badan Puntland ayaa kamid noqotay magaalooyinkii ugu horeeyey ee ka faaidaystay barnaamijka Horumarinta degmooyinka Puntland ee looyaqaan JPLG, mashruucaas oo soo bilowday sanadkii 2012 ayaa Magaaladan wax badan ka badelay muqaalkeeda bilicda iyo Wadooyinka, waxaana laga hirgeliyey in ku dhow toban wado laami oo si qurux badan loo dhisay, sidoo kale waxaa dib u habayn iyo dib u furis lagu sameeyey wadooyin ay xireen dhismaayasha magaalada, Horumarka ka muuqda wadooyinka Bosaaso waxaa dareemi kara qof 5 sano ka hore magaaladan ka tagey oo hada dib ugu soo laabtay.
Airport-ka cusub ee Magaalada
Sida aan lawada soconaba mudo yar ka hor Magaaladan waxay nasiib u heshay Garoonkii heer caalami ah oo ugu horeeyey Puntland, wuxuuna Garoonkani mudo yar kor usii qaaday Horumarkii Magaalada, Dad badan ayaa bilaabay inay samaystaan Magaalgashiyo cusub si ay uga faaidaystaan horumarada lixaadka leh ee lagu wado inuu dhawaan garoonkani soo kordhiyo, tan iyo intii xariga laga jaray Airport-ka Bosaaso waxaa Magaalada kusoo kor dhay Hotelo casri ah, Meherado qurux badan oo fadhiga u wanaagsan iyo goobo ganacsi oo kala duwan.
Shaqadda Dekada Bosaaso
Dekadda Bosaaso ayaa ah isha ugu weyn uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha iyo Dakhliga soo gala Dawlada Puntland, waxaa ka muuqda shaqo aad u balaaran, waana Dekadda ay ka dhoofaan xoolaha ugu badan ee Soomaalida oo loo iib geeyo Dalalka Carabta iyo wadamo kale, Mar kasta oo aad booqata Dekadda waxaad dareemaysaa mashquulka halkaas ka jira iyo badeecadaha is dhaafaya, Hase ahaate Dekadda Bosaaso waa tan ugu yar afarta dekadood ee ugu waaweyn Soomaaliya, waxayna u baahan tahay in balaarin lagu sameeyo si ay asaageed mustaqbalka tartan adag ula gasho.
Gaba-gabadii, Bosaaso waa Caasimada Ganacsiga Puntland, waxay u joogta Puntland halka Dubai u joogto Emaaraatka Carabta, New-yorkna u joogto Maraykanka, Hadaba waxay magaaladani u baahan tahay oo ka banaan fursado ganacsi oo aad u waaweyn, tusaale kama jiraan Warshaddo wax soosaar oo la taaban karo, maalgashigii qurbba joogtana wuxuu dhaafi la yahay biibitooyin shaaha lagu iibiyo oo horayba meel walba uga furnaa.
Mukhtar Cabdi Faarax