Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ee Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Qarax aad u xogan ayaa goor dhawayd laga maqlay meel sidaa ugu fogayn xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Muqdisho oo ah Saldhiga Maamulka Gobalka Banaadir.

Qaraxan oo la sheegaayo inuu ahaa gaari wal-xaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay dhabarka danbe ee Xaruntaas, waxayna wararka soo baxaaya sheegayaan inuu sababay dhimashada 5 qof  iyo dhaawaca ugu yaraan 7 kale, goobta uu qaraxani ka dhacay waxaa durbadiiba gaaray laamaha amaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaiya.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo goobta uu qaraxu ka dhacay Saxaafada kula hadlay ayaa dadkii ku dhintay ku sheegay inay dhamaantood ahaayeen rayid aan waxba galabsan, isagoo falkaasna ku eedeeyey Al-shabaab.

Goobtaas ayaa iminka laga maqlaaya rasaas teel-teel ah oo ay ridayaan Ciidamada amniga ee meesha qaraxu ka dhacay gaaray.

Bartilmaameedka Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa maqaaxi  lagu magacaabo Al-hindi oo aan sida uga fogayn xarunta Dawlada Hoose ee Muqdisho, iyadoo dadka ugu badan ee ay dhibaatadu kasoo gaartayna yihiin kuwii maqaaxidaas ku sugnaa.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Qaraxa sida lagu faafiyey Warbaahinta afkooda ku hadasha, waxayna sheegeen inay halkaa ku dileen saraakiil katirsan Dawlada Soomaaliya.

Puntland Post