Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Isha Sawirka: Warbaahinta Dawlada Soomaaliya
Isha Sawirka: Warbaahinta Dawlada Soomaaliya

Muqdisho(Puntland Post)-Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo looga hadlaayo Farsamada Doorashooyinka Dalka ka dhici doona Sanadkan 2016 ayaa si rasmi ah goor dhawayd uga furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Shirka, wuxuuna kul dardaarmay Madaxda ka qayb gelaysa inay muujiyaan wadaniyad dheeri ah iyo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho xalaal ah oo soo celisa Qaranimadii Dalka.

Shirkan waxaa goob joog ah Madaxda ugu saraysa Dawlada Soomaaliya, Madaxweynayaasha Puntland,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Jubbaland, waxaana lagu wadaa mudada uu shirkani socdo in looga doodo qodobo Muhiim ah.

Shirkan ayaa daba jooga Shirar dhawr ah oo horay uga soo dhacay qaar kamid ah Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood diirada lagu saaraayey qabsoomida Doorashada Sanadkan ka dhici doonta Dalka.

Faah-faahinta Shirkan Mar walba kala soco Puntland Post