Cadaado(Puntland Post)-Wasiirka Amniga Maamul Gobaleedka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo la hadlaayey Warbaahinta ayaa sheegay inay Al-shabaab dhaq-dhaqaaqyo xoogan iyo Isbaabul kawado degaano katirsan Galmudug, Siiba Xaradheere iyo Hobyo.
Taar-dhuleed ayaa tilmaamay iny Al-shabaab degaanadaas iskugu keentay Ciidamo aad u xoogan isla markaana wata hub faro badan, Isagoo wacad ku maray inuu Maamulkiisu ka qaadi doono talaabo adag, ayna ka hor tegi doonaan abaabulka cusub ee ay bilowday kooxdaas, oo uu sheegay inay ujeedadoodu tahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degaano hor leh oo katirsan Galmudug.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug ayaa intaas ku daray inay guud ahaan degaanadooda dhawaan ka xorayn doonaan Kooxda Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa 14-kii Bishii hore ee Maarso kaga soo duulay Puntland degaanka Xaradheere, waxayna si aada ugu jabeen dagaal culus oo mudo ku dhow labba todobaad dhex maraayey iyaga iyo Ciidamada Puntland, si dhabase looma cadayn karo dhaq-dhaqaaqyada cusub ee ay iminka ka bilaabeen xeebaha ku teedsan Koonfurta Mudug.
Puntland Post