Garowe(Puntland Post)-Guud ahaan dhulka Soomaalida intiisa badan oo Bilihii u danbeeyey la ildarnaa abaaro aad u xoogan oo degaanada qaar sida Gobalka Awdal sababtay dhimashada tiro dad ah, ayaa iminka laga dareemayaa curashada roobka guga oo ay mudo dheer si aada u sugaayeen dadweynaha Soomaaliyeed.
Degaanada Sida aadka looga dareemaayo xili roobaadkan waxaa kamid inta badan degaanada Puntland, wararka ay Puntland Post ka helayso Gobalada Sanaag, Bari iyo Gardafuu ayaa sheegaaya inay roobab wanaagsan heleen degaano katirsan Gobaladaas oo kamid ahaa deganada ugu liitay xaga abaarta.
Degaanada roobka lagu diirsaday ka da’ay waxaa kamid ah degaamo hoostaga degmooyinka Baargaal,Carmo iyo Xingalool, iyadoo Dadka degaamadaas ay Alle uga mahadnaqeen abaartii banayd ee uu ka dul qaaday.
Sidoo kale degaamo katirsan Gobalada Nugaal,Mudug,Sool iyo Cayn ayaa laga dareemayaa saasanta curashada roobka, Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland ayaa illaa maanta laga dareemaayey jawi roobeed.
Dadka Soomaaliyeed ayaa maalmihii u danbeeyey samaynaayey isu soo baxyo ay Alle kuwey-diisanayaan inuu ka dulqaado abaaraha iyo roob la’aanta haysata.
Puntland Post