Muqdisho(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyo ku aadan dib usoo dorashadiisa u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 4-aad ku gulaystay doorashadii shalay ka dhacday Dalkaas.
Xassan Sheekh Maxamuud oo hambalyeynaayey guusha Hogaamiyaha Jabuuti ayaa yiri “Walaalkey Madaxweyne Geelle waxan kugu hambalyeynayaa guusha weyn ee aad ka soo hoysey doorashadii madaxtinimada ee shalay oo Jimco ah dhacday. Waxay guushan tilmaameysaa kalsoonida shacabkaaga kugu qabo iyo waxqabadkaagii oo horseeday in Djibouti ay horumar ku tallaabsato, dunidana magac ku yeelato”
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay shacabka reer Jabuuti kuwo u bisil Dimuqraadiyada marka loo eego sida nabada ah ee ay u dhacday Doorashadii shalay oo Jimce ahayd ka qabsoontay Dalkaas.
Hambalyada Xassan Sheekh ayaa kusoo aadaysa xili xisbiyadii ugu waaweyna Dalka Jabuuti iyo Hay’adaha u dooda xaquuqda aadamaha ku tilmaameen Doorashadii Dalkaas ka dhacaysay mid cadaalada baal marsan, waxaana gabi ahaanba qaadacay ka qayb galka Doorashada Jabuuti sadex kamid ah mucaaradka ugu waaweyn Dalkaas.
Puntland Post