Madaxda Maamuladda Dalka iyo kuwa Dawlada Soomaaliya oo Muqdisho ku leh kulamo horu-dhaca

Muqdisho(Puntland Post)-Madaxda Maamulada Dalka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho si ay uga qayb galaan Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu Berri ka furmo halkaasi.

Madaxdan oo la dejiyey aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa Caawa kulamo gooni gooni ah la qaadanaaya Madaxda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, siiba Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali, kulamadan oo horudhac u ah Shirweynaha Beri ka furmaaya Muqdisho ayaa loo badinayaa in looga hadlaayo farsamada shirkaaas.

Madaxweynayaasha Puntland,Jubbaland,Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ku sugan Muqdisho waxayna si aada ugu diyaar garoobayaan qabsoomida Shirka oo looga doodii doono qodobo Muhiim ah oo ku salaysan sida ay u ekaan doonto Doorashada Sanadkan ka dhici doonta Dalka.

Walow ay shirkan horyalaan qodobo si aada la iskula jeex-jeexi doono ayey Khubarada Siyaasadu hadana tilmaamayaan inuu ka yara fudud yahay Shirarkii hore ee Madasha Wadatashiga marka loo eego qodobkii sida aadka ah loogu muransanaa ee degaanka iyo 4.5 oo lagaga heshiiyey 4-tii Bishan Magaalada Garowe.

Qodobada Shirka Berri ka furmi doona Muqdisho looga doodi doono Waxaa kamid ah goobta Doorashada Madaxtinimada Dalku ka dhici doonto, Maadama Heshiiskii Garowe ay ku xusnayd in Madaxda Dalku isla garato goob si amaana u marti gelin karta Doorashada.

Puntland Post