Pyongyang(Puntland Post)-Dawlada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay ku guulaysatay tijaabada mashiin xambaara gantaal rido dheer oo gaari kara qaarada Amerika, tijaabadan oo ah tii ugu khatarsanayd ayaa siweyn looga hadal hayaa guud ahaan Caalamka.
Wakaaladda Wararka ee Dalkaas ayaa ku warantay in tijaabadan uu si shakhsi ah ula socday Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxayna intaas ku dareen inuu mashiinkani yahay mid gaari kara Dalka Maraykanka.
Kuuriyada Waqooyi ayaa horay si aada ugu goodisay inay hub Nuclear ah ku weerari doonta Caasimada Dalka Maraykanka ee Washington, tana waxay u muuqataa mid kale oo uu Dalkaasi ku muujinaayo awooda uu u leeyahay inuu Nuclear ku weeraro Dalka Maraykanka.
Dawlada Kuuriyada Waqooyi oo ka godoonsan Caalmaka ayaa si aada u horumarinaysa Hubkeeda Nuclearka iyo gantaalada ridada dheer iyo kuwa ridada gaaban, iyagoo hanjabaado culus u dira Dalalka Koonurta Kuuriya iyo Maraykanka oo ay u arkaan cadawgooda kowaad.
Puntland Post