Minneapolis oo magaaladda Bosaaso ugu deeqday qalab muhiim ah

 

Mid kamid ah qalabka ay Minneapolis ugu deeqday Bosaaso
Mid kamid ah qalabka ay Minneapolis ugu deeqday Bosaaso

Minneapolis(Puntland Post)Golaha degaanka  Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey qaraar u hor geeyey Xildhibaan Cabdi Warsame oo katirsan golaha degaanka Magaaladaas.

Qaraarkan oo ahaa in Magaalada Bosaaso ee Caasimada dhaqaalaha Dawlada Puntland loogu deeqo qalab muhiima oo ka kooban gadiid dab damis, qalab amni iyo mid caafimaad ayaa waxaa si aada usoo dhaweeyey Cabdi Warsame oo ahaa masuulka ka dambeeyey in qalabkaas loo raro Bosaaso.

Xildhibaan Cabdi Warsame oo arimahaas ka hadlaayey ayaa yiri “waxaan horgeeye golaha degaanka Magaalada Minneapolis, qaraar u qondayse gaadiid iyo qalab amni magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Dowlada Puntland. Gudiga ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyey deeqdaan ka kooban gaadiid isugu jiro dabdemis iyo gaadiid kale, iyo qalab dembi baaris ah (Crime Lab)”

Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed siiba kuwa reer Puntland ayaa si qalbi furan usoo dhaweeyey talaabadan ay qaadeen Golaha degaanka Minneapolis, waxaana siweyn loogu aamaanay xildhibaan Cabdi Warsame sida uu ugu heelan yahay wax u qabashada Dalkiisa.

Dhawaan ayaa la filayaa inuu qalabkani soo gaaro Magaalada Bosaaso, waxayna arimahan oo dhan kusoo aadayaan markii sanadkii hore la maataaneeyey Magaalooyinka Bosaaso iyo Minneapolis.

Warsame 1

Puntland Post