Dadka reer Jabuuti oo u dareeray Doorashada Madaxtinimada Dalkaas

Jabuuti(Puntland Post)-Gobalada kala duwan ee Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta looga dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan Madaxweyne cusub, Doorashadan oo ay Ismaaciil Cumar Geelle kula tartamayaan illaa 6 murashax ayaa saaka goobaha cod bixinta albaabada loo furay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo 20-kii sano ee ugu dambaysay ahaa hogaamiyaha Dalkaas ayaa loo badinayaa inuu markii 4-aad ku guulaysan doono Doorashadan, marka la eego awooda uu ku leeyahay Doorashada iyo axsaabtii ugu waaweynaa ee Mucaaradka oo qaadacay gabi ahaanba ka qayb galka Doorashada wadankaas ka dhacaysa.

Axsaabta mucaaradka ah ee qaadacay Doorashada ayaa ku tilmaamay mid Dimuqraadiyada iyo cadaalada ka fog iyagoo sheegay inaysan si xor ah u qabsan karin ololohooda Doorashada ayna Dawladu tahay tan daaha gadaashiisa ka maamulaysa Doorashada, laguna dooran doona murashaxooda Islmaciil Cumar Geelle.

Waxaa isdiwaangeliyey in ka badan 250,000 oo qof si ay codadkooda u dhiibtaan, waxaana Doorashooyinkaas kor meeraaya goob joogayaal Caalami ah.

Jabuuti waxaa saldhigyo waaweyn oo Ciidan ku leh Dalalka awooda badan ee Caalamka Sida Maraykanka, Faransiiska iyo Shiinaha.

Puntland Post