Madaafiic caawa lagu garaacay xaafado katirsan Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Muqdisho(Puntland Post)-Caawa ayaa qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir waxaa laga maqlay dhawaaqa madaafiic lagu garaacaayo degmooyinka Xamar Ja-jab iyo Waaberi, waxayna wararku sheegayaan inay hobiyayaashaasi sababeen tiro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaafiicdan oo aan si rasmi ah loo ogaan karin halka ay ka yimadeen ayaa dhimashada illaa iminka la xaqiijiyey waxay gaaraysaa ugu yaraan 4 qof oo rayid ah iyo dhaawac intaa ka badan, waxaana Jahawareer xoogan laga dareemayaa xaafadaha ay madaafiicdani ku dhaceen ee Magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada madaafiicdan lagu gaaracay degmooyinka Waaberi iyo Xamar Ja-jab waxayse u eg yihiin ficiladii kooxda Al-shabaab ka fulin jireen Magaalada Muqdisho.

Madaafiicda sida bareerka loogu garaacaayo Magaalada Muqdisho ayaa sii kor dhaaya waxayna ahayd maalmo kahor markii agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ay sidan oo kale tiro hobiyayaal ah loogu garaacay, waxayna arimahan oo dhan kusoo adayaan xili amaanka Caasimada Soomaaliya lagu wareejiyey Maamulka Gobalka Banaadir oo durba soo saaray awaamiir amaanka sii xumaanaya lagu sugaayo.

Puntland Post