Ciidamadda Amniga Muqdisho oo sheegay inay qabteen gaari laga tuuraayey madaafiic

Gaari ay qabteen Booliska Muqdisho. Isha Sawir: Radio Muqdisho
Gaari ay qabteen Booliska Muqdisho.
Isha Sawir: Radio Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir ayaa sheegay inay Caawa gacanta ku dhigeen gaari laga tuuraayey madaafiic ku dhacay Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Ja-jab ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhisamashada in ka badan afar qof iyo in ka badan 10 dhaawac ah.

Gaarigan oo ah nooca ay Dadweynuhu racaan ee loyaqaan Mini Bus waxaa saxaafada usoo bandhigay Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Banaadir Jeneraal Cali Gaab, wuxuuna gaari-gaas ku tilmaamay mid lagu khal-khal gelinaayey amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayna Ciidamada Boolisku ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan.

Taliye Cali Gaab ayaa intaas ku daray in raga watay gaarigaas ahaayeen 4 nin oo ay labbo dhaawac tahay, isagoo sheegay intaysan qabashadooda ku guulaysan inay kala kulmeen iska caabin kooban.

Waa markii ugu horaysay oo ay Ciidamada amnigu gacanta ku dhigaan gaari duqayn ka gaystay Magaalada Muqdisho, mana jirto cid illaa iminka sheegatay masuuliyada madaafiicda caawa lagu gaaracay degmooyinka Waaberi iyo Xamar Ja-jab.

Xaquuqda Sawiradan waxaa iska leh Radio Muqdisho
Hubkii gaari lagu qabtay.   Xaquuqda Sawiradan waxaa iska leh Radio Muqdisho

gaari 3

Puntland Post