Magaalada Garowe oo ahayd tan iyo 1998 Caasimada Dawlada Puntland, horayna u ahayd tan Gobalka Nugaal, kana mid ah magaalooyinka fara ku tiriska ah ee Dalka Soomaaliya oo horumaro dhinicyo badan sameeyey mudada 26-ka sano ah ee lagu jiro Burburka daba dheeraaday ayaa u muuqata inay isku diyaarinayso marti gelinta Doorashada Madaxtinimada Dalka Soomaaliya oo la filaayo inay Bisha Sebtembar ka dhacdo Dalka.
Garoowe ma tahay Magaalo diyaar u ah marti gelinta Doorashada Soomaaliya?
Magaalada Garowe ayaa ah Magaalo si aada ugu diyaarsan marti gelinta Doorashooyinka Dalka, waxayna Caan ku tahay amaan buuxa oo dhan walba la iskaga halayn karo, Hotelo iyo Goobo si aada u bilicsan oo ay si amaana ugu raaxaysan karaan Marti sharafta ka qayb gelaysa Doorashooyinka Qaranka, Magaaladan ayaa horay loogu soo tijaabiyey Shirar waaweyn oo ay si sharaf leh u marti gelisay sida Shirarkii Kumeel gaarnimada looga saaray Dalka ee taariikhda Soomaalida baal dahaba ka galay.
Garowe ma jogaan Ciidamo ajaaniib ah oo suga amaankeeda , dhamaan Ciidamada ka hawlgala waa Ciidamo Soomaali ah waana tan ay uga badelan tahay Magaalooyin badan oo xarumo u ah Maamulada ka dhismay Dalka Soomaaliya, waxayna tani xiiso gaar ah usii yeelaysa in Doorashada Qaranka lagu qabto Garowe.
Maxay umadda Soomaaliya uga dhigan tahay in Garowe lagu qabto Doorashada Qaranka?
Waxay abuuraysa kalsooni iyo isku soo dhawaansho weyn oo dhex marta umadda Soomaaliyeed, waxayna horumarinaysa inay Dawlada Soomaaliyeed si buuxda ugu fido dhamaan Gobalada Dalka maadama Puntland tahay wadnaha isku xiraha Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, sidoo kale waxay meesha ka saaraysa wel-welka ay umadda Soomaaliyeed ka qabeen inay Dawladnimada Soomaaliya noqoto mid ku kooban hal Magaalo sidii caadada ka ahayd Dawladihii soo maray Dalka tan iyo xoriyadii 1960.
Hadii Doorashada Qaranka lagu qabto Magaalada Garowe waxay muujin doonta fur-furnaanta Dawladnimada cusub ee Soomaaliya, iyadoo meesha ka saari doonta tabashada soo noq-noqatay ee reer Puntland waayadii danbaba ka muujinayeen Dawlada Soomaaliya, waxayna kalsooni iyo aaminaad ku beeri doonta Goballo kale oo iminka ka biyo diidsan Dawladnimada Soomaaliya oo ay u arkaan mid weli ku socota hab dhaqankii sababay Burburka Dalka.
Gaba-gabadii: Madaxda Soomaaliya haday ahaan lahaayeen kuwa heer Qaran iyo Gobaladaba waa inay noqdaan kuwo u diyaarsan ka miro dhalinta Soomaaliya oo mar kale cagaheedii isku taagta, lana soo noqoto karaamadii ay ku lahaan jirtay Aduunka, waxaana intaas oo dhan lagu gaari karaa, in meel la iska dhigo danta shaqsi iyo isqab-qabsiga caadada u ah Madaxda Soomaalida,lagana shaqeeyo sidii la iskugu soo dhawayn lahaa umadan kala irdhowday, waa in Madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamku muujiyaan inaysan Dawlada Soomaaliya ahayn mid aan dhaafin xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Waxaa xusid mudan heshiiskii dhawaan ay Puntland iyo Dawlada Federaalka ah ku gaareen Magaalada Garowe, qodobadii lagu heshiiyey inay kamid ahayd in laga wada hadli doono halka lagu qabanaayo Doorashada si loo doorto meel amaan ah oo si wanaagsan u marti gelin karta Doorashada.
Mukhtar Cabdi Faarax
kaamil571@gmail.com