Madaxweyne Gaas oo goor dhow jeedinaaya khudbad loo badinaayo inuu ku dejinaayo Dadweynaha

Cabdiwali Maxamed Cali, Madaxweynaha Dawlada Puntland
Cabdiwali Maxamed Cali, Madaxweynaha Dawlada Puntland

Garoowe(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhow si toos ah Dadweynaha reer Puntland ugala hadli doona Warbaahinta Dawlada gaar’ahaan qaybta la iska arko ee Telefishinka.

Inkastoo Madaxtooyada Puntland aysan si rasmi ah u shaacin wax yaabaha uu Madaxweynuhu kaga hadli doono khudbadan ayaa loo badinayaa inay tahay mid uu ku qancinaayo Dadweynaha reer Puntland oo badi si aada uga carooday heshiiskii uu la saxiixday Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo qadashada nidaamkii hore ee 4.5, Khudbada Madaxweynaha oo ah mid toos ah ayaa bilaaban doonta goor dhow.

Dadka reer Puntland gude iyo dibadba waxay si aada uga fal celiyeen heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Magaalada Garowe, iyadoo bulshada Puntland ku tilmaameen mid aan sinaba ugu cuntami karin Puntland, ayna Dawladu qaadatay go’aan ka bedelan rabitaanka Dadkeeda.

Dadka heshiiskan sida weyn uga hor yimi waxaa kamid ah Siyaasiyiin  shacbiyad badan ku dhex leh Puntland,Sida Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Siyaasi Cali Xaaji Warsame iyo Siyaasi Saadiq Eenow oo labaduba xilal heer wasiir ah kasoo qabtay Dawlada Madaxweyne Gaas.

Dadka odorosa Siyaasada ayaa sheegaya in heshiiskii Ka dhacay Magaalada Garowe uu Madaxweyne Gaas kulumiyey in badan kamid ah kalsoonida Dadka reer Puntland.

Puntland Post