Alshabaab oo sheegatay masuuliyada weerarkii lagu dhaawacay xildhibaan katirsan Dawlada Soomaaliya

Muqdisho(Puntland Post)-Dablay hubaysan oo wadatay gaari ayaa maanta weerar ku qaaday xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, xili uu maraayey agagaar bacadlaha Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas lagu dilay labba kamid ah ilaalada xildhibaanka iyo darawalkiisii.

Xildhibaankan oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Daheeye ayaa ka dhawacmay garabka, iyadoo la geeyey Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagu dibiibaayo,  wararka shegaya in xaaladiisu iminka kasoo raynayso.

Afhayeenka Gobalka Banaadir  Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay inuu falkani dabo joogo kuwo is xigxigay oo wayadii danbaba si joogta ah uga dhacaayey Caasimada Muqdiso, wuxuuse balan qaaday inay wax ka qaban doonaan marka Maamulka Gobalka Banaadir uu dhawaan la wareego amaanka Muqdisho.

Docda kale Xarkada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, iyagoo ku goodiyey inay sii wadi doonaan beegsiga Dadka u shaqeeya Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaan ahayn mid  cago adag ku taagan, iyadoo dilalka qorshaysan ay har cad ka dhacayaan Magaalada, sidoo kale A-shabaab ayaa Magaalada ka fuliya qaraxyo oo naf iyo maalba galaafta.

Puntland Post