Cabdiraxmaan Faroole oo shaaciyey inuu yahay Murashax u taagan Madaxweynaha Soomaaliya

Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud

Garoowe(Puntland Post)-Madaxweynihii hore ee Dawlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo sanadkan ka dhici doonta Dalka.

Faroole oo gurigiisa kula hadlay bahda Warka fidisa ayaa tilmaamay inuu yahay hogaamiyihii Dalka ka saari lahaa nidaamka duqoobay ee 4.5, Isagoo umadda Soomaaliyeed ka codsaday inay u doortaan talada Dalka si uu ugu hogaamiyo wadada Horumarka.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in aragtidiisa ahaan uusan la qumanayn heshiiskii xalay lagu saxiixay Magaalada Garowe, walow uusan si dhaba uga hor imaan heshiiskaas.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu tilmaama Hogaamiye horumar la taaban karo gaarsiiyey Puntland, mudadii uu xilka Madaxtinimada hayey, hadalkan kasoo yeeray maantana wuxuu kusoo aadaya xili Doorashadii Madaxtinimada Dalka ay ka dhiman tahay bilo kooban.

La soco Wararkayaga dambe

Puntland Post