Muqdisho, Puntland Post — War-saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu si diirran ugu soo dhoweeyey in ay Puntland aqbashay hannaanka 4.5 oo lagu salayn doono Doorashada Sannadkan ka dhici doonta Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan ayaa madaxda Puntland iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uga mahadceliyey dadaalka dheer ee ay u galeen in ay Puntland aqbasho hannaanka doorashada lagu salaynaayo.
Xassan Shiikh Maxamuud ayaa tallaabada ay Puntland uga laabatay go’aankeedii adkaa ku tilmaamay mid horay loo qaaday, guulna u ah dhamaan umadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale madaxweynaha oo u muuqda in uusan ku qanacsanayn qaar ka mid ah qodobada galabta lagu saxiixayo magaalada Garoowe ayaa hadalkiisa ku daray in loo baahan yahay qaar ka mid ah qodobada ku jira heshiiskan in wada hadallo dheeri ah la geliyo.
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli maanta magaalada Garoowe ay Puntland iyo Dawlada Federaalku ku kala saxiixan doonaan heshiis ay goobjoog ka noqon doonaan xubno ka socda dawladaha gobolka iyo Beesha Caalamku, kaas oo aan qodobbada ku jira weli la shaacin, balse waxaa cad in ay Puntland aqbashay hannaanka afar dhibic shan.
Dadka reer Puntland ayaa heshiiskan siyaabo kala duwan uga hadlaya, iyada oo inta badan dadku si aad ah uga caroodeen in ay Puntland aqbasho wixii ay meesha adag horay uga istaagtay.
Puntland Post