Wafuud balaaran oo kasocda Beesha caalamka ayaa soo gaaray magaalada Garowe

Garowe,Puntland Post-Waxaa Magaalada Garowe ee Caasimada  Dawlada Puntland kusoo qulqulaaya wafuud balaaran oo ka kala socda Beesha Caalamka iyo Wadamada Gobalka, waxaana goor dhawayd Caasimada Soo gaaray wafuud balaaran oo ka kala socday Itoobiya,IGAD,Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Wafuudan balaaran waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Kanooco kusoo dhaweeyey Madaxda Puntland iyo Dadweyne tira badan, waxaana iminka loo galbiyey qasriga Madaxtooyada Puntland oo la filaayo inay kulamo kula qaataan Madaxda ugu saraysa Puntland, Siyaasiyiinta iyo wax garadka Puntland.

Waftiyadan Caalamiga ah ayaa markhaati ka noqon doona heshiis ay Garowe ku kala saxiixanayaan Dawladaha Puntland iyo Federaalka oo la sheegaayo inay ka heshiiyeen hanaankii wax qaybsiga beelaha ee afar dhibic shan oo bilihii u danbeeyey muran adag ka tagnaa markii Puntland diidey dhaqan gelinta heshiiskii Maamulada iyo Dawlada Federaalka ah ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u balan qaaday inuusan marna aqbali doonin aysana Dawladiisu waxba ku bedelan doonin qaadashada hanaanka 4.5, waxaase iminka soo baxaysa inay Puntland aqbashay in Doorashada sanadkan dhacaysa lagu saleeyo 4.5.

Faahfaahinta Warkan kala soco Puntland Post