Hargeysa(Puntland Post)-Oday Maxamed Xassan Xaad ah iyo Wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland iyagoo wada Hal milyan oo Doolar oo ay Dawlada Soomaaliya ugu talo gashay in wax lagaga qabto abaaraha ba’an ee ka jira qaar kamid ah Gobalada Soomaaliland.
Waftigan gaaray Magaalada Hargeysa ayaa iskugu jiray odayaal dhaqameed iyo Culimo waxayna wadeen lacagtan oo ay iska soo ururiyeen Madaxda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu Muqdisho saxaafada ugu sheegay Raisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Carte, isagoo intaas ku daray inay deeqdani horu dhac u tahay deeqo dhawr ah oo ay u diri doonaan Soomaaliland.
Waftigan wadey deeqda waxaa garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa kusoo dhaweeyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliland, Odayaal dhaqameed iyo Culimo waxayna uga mahadceliyeen deeqda ay soo gaarsiiyeen.
Maxamed Xassan Xaad iyo Shiikh Baaruud Gurxan oo iyaguna kamid ahaa waftiga wadey deeqdan ayaa u balan qaaday reer Somaliland inay garab istaagi doonaan, sidii ay iyaguba u garab istaageen markii abaartii sababtay macaluushu ku dhufatay Koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011.
Abaaro ba’an oo sababay dhimasho Dad iyo duunyo ayaa ku dhuftay Gobalada Soomaaliland gaar’ahaan Gobalka Awdal oo ay tiro dad ah gaajo iyo haraad ugu dhinteen, waxaase iminka muuqanaysa roobkii guga oo ka curtay qaybo kamid degaanadii ay ka jireen abaaraha ugu xun.
Puntland Post