Hadalka Xassan Shiikh Maxamuud ma laga yabaa inuu dib u rido heshiiskii galabta lagu saxiixi lahaa Garowe?

Xaquuda Sawirka: Wariye Cali Cabdi Ducaale oo katirsan Puntland Post
Xaquuda Sawirka: Wariye Cali Cabdi Ducaale oo katirsan Puntland Post

Garoowe (Puntland Post)- Warar aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo oo ka ag dhow qasriga Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaaya inuu muran hor leh ka dhashay heshiiskii galabta lagu saxiixi lahaa Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, markii War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud uu shaki ku geliyey dhaqan gelinta qaar kamid ah qodobada ay kuwada heshiiyeen Puntland iyo Dawlada Federaalka ah.

Shirar gaar-gaar oo u dhaxeeya Madaxda Puntland iyo xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa iminka ka socda aqalka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo u muuqday inuu ka hor dhacay saxiixa heshiiska ayaa soo dhaweeyey inay Puntland aqbashay hanaanka lagu gelaayo Doorashada Sanadkan ka qabsoomaysa Dalka, wuxuuse mugdi geliyey qaar kamid qodobada ay ku heshiyeen Puntland iyo Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo uu sheegay in wada hadalo kale la gelin doono qaar kamid ah qodobada heshiiska ku xusan, inkastoo uusan Xassan Shiikh si rasmi ah afka ugu  dhufan qodobadda uu ka biyo diidan yahay waxaase War-saxaafadeedkiisa laga dheehan karay inuusan ku qanacsanayn qaar kamid ah qodobada heshiiskan ku jira.

Warka ka imaanaya Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaaya in qaar kamid ah xubnaha ka socda Beesha Caalamku ka cagajiidayaan inay si rasmi ah u dabaanad qaadaan dhaqan gelinta heshiiskan, waxayna taasi walaac hor leh ku  abuurtay Dawlada Puntland iyo Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaana laga yabaa inay arintani dib u rido heshiiskii la filaayey in goor hore oo galabtay ahayd lagu saxiixo Magaalada Garowe, walow xili walbana ay dhici karto in muranka iminka aloosan laga heshiisyo.

Siday doontaba ha ahaate Hadalka uu Xasssan Shiikh Maxamuud uga hor dhacay Saxiixa Heshiika Dawlada Federaalka ah iyo Puntland ayaa muujiyey sida Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Xassan ugu kala aragti duwan yihiin Heshiiskan cusub, Iyadoo awalba aad moodey inay Dadka Puntland khaatiyan ka taagnaayeen dhaqan gelinta heshiisyada ay Federaalku la galaan Puntland markii ay dhawr heshiis oo hore saqiireen.

Wixii wara ee kasoo kordha shirarkan kala soco Puntland Post

Puntland Post