Shaqaale Turki ah oo lagu weeraray isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Warka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhawayd shaqaale katirsan Isbitaalka Digfeer oo Turki ah lagu weeraray Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho gaar’ahaan Isgoyska caanka ah ee Taleex.

Warka ayaa sheegaya in shaqaalaha oo halkaas maraayey ay raasaas ooda kaga qaadeen maleeshiyaad hubaysan oo aan haybtooda la sheegin illaa iminka.

Ugu yaraan shan qof oo labbo tahay Turki sadexna Soomaali tahay ayaa ku geeriyooday weerarkan, tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen, waxaana goobta uu falkani ka dhacay gaaray Ciidamada amaanka oo halkaas baaritaano kawada, walow kooxihii falka geystay ay markiiba baxsadeen.

Maahan markii ugu horaysay oo  shaqaale Turki ah lagu weeraro magaalada Muqdisho lagana dilo tiro dad ah, dhawr weerar oo noocaan ah ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho tan iyo markii Hay’adaha Dalka Turkigu soo dageen Dalka Soomaaliya sanadkii 2011.

Puntland Post