Camey: Puntland halkeedii ayey ka taagan tahay 4.5, mase xirmin albaabkii wada hadalku

Eng Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey
Eng Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey

Bosaaso(Puntland Post)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Egn Cabdilaahi Cumar Camey oo maanta soo gaaray Magaalada Bosaaso ayaa ka hadlay arimo badan oo dhinicyo kala duwan taabanaaya sida Abaaraha ba’an ee ka jira Puntland iyo Siyaasada lagu muransan yahay ee Soomaaliya.

Madaxweyne Camey ayaa tilmaamay abaaro ba’an oo ka jira Dalka, kana sii daraaya marba marka ka dambaysa wuxuuna ka codsaday bulshada reer Puntland inay isku tagaan wax u qabashada dadka tabaalaysan iyo sidii loo samata bixin lahaa nolosha dadka reer guuraga ah ee la ildaran abaaraha.

Dhanka kale Camey ayaa ka hadlay Siyaasada lagu muransan yahay ee 4.5 iyo wada hadaladii maalmahan ka socday Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland kuwaas oo u dhaxeeya Puntland iyo wafti uu hogaaminaayey Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, wuxuunna sheegay inaysan illaa iminka waxba iska badelin mawqifkii Puntland ee ku aadanaa wax qaybsiga belaha ee afar dhibic shan, balse wada hadaladu socdaan aysana xirmin Albaabadii wada hadalku.

Eng Camey ayaa intaas ku daray inay Dawladiisu kamid tahay hanaanka Federaalka ah xaqna u leedahay inay wada hadal ka gasho wax kasta oo lagaga hadlaayo masiirka Soomaaliya.

Hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo imaanshihiisa Bosaaso ayaa kusoo aadaya xili ay Magaalada Garowe ka socdaan wada hadalo la isku mari la yahay, iyadoo la hadal hayo Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid inuu soo gaari doono Magaalada Bosaaso kahor inta uusan ku laaban Magaalada Muqdisho.

Puntland Post