Midowga Yurub ayaa shaaciyey inay jareen dhamaan gargaarkii ay siin jireen Dalka Burundi markii xukuumada Bujumbura ku guul daraysatay joojinta colaadaha ka holcaaya Dalkeeda iyo falal ka dhana xaquuqda aadamaha oo ka dhacaaya Dalkaasi, gaar-gaarkan uu midowga Yurub jaray ayaa saamayn doona dhaqaalihii lasiin jirey Ciidamada nabad ilaalinta Burundi ee ku sugan Dalka Soomaaliya.
Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa kasoo xigatay Diblamasiyiin reer Yurub ah inaan lasoo marin doonin Dawlada Burundi lacagta uu Midowga Yurub siiyo Ciidamada nabad ilaalinta Dalkaas ee ku sugan Soomaaliya, taas oo ka dhigan inay Dawladaasi waayi doonto sadex iyo toban malyan oo ay sanadkiiba kala hari jirtay lacagta lasiiyo Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.
Dawlada Burundi oo ka jawaabtay hadalkan kasoo yeeray Midowga Yurub ayaa sheegtay inay awalba filaayeen inuu go’aan noocaan ah kasoo bixi doono Midowga Yurub, aysana waxba ka badeli doonin xaalada dhaqaale ee Burundi.
Boqolaal qof ayaa ku dhintay Dalkaas tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha lagu diidan yahay inuu Madaxweyne Pierre Nkurunziza mar sadexaad xilka Madaxtinimada u tartamo iyadoo Dalalka Afrika, Yurub, Maraykanka iyo Qaramada midoobay ay sii kor dhinayaan cadaadiska ay saarayaan Madaxweyne Nkurunziza, hase ahaate waxaad moodaa inuu dhagaha ka furaysanaayo cadaadiska lagu hayo.
Lama oga saamaynta ay arintani ku keeno doonto Ciidamada Burundi ee nabad soo celinta u jooga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo dagaalo kula jira xarakada Al-shabaab.
Puntland Post