Gaalkacayo(Puntland Post)-Maamul Gobaleedka Galmudug oo maalmihii u danbeeyey sheegaayey inay la dagaalamayaan koox katirsan Al-shabaab oo dhawaan kaga soo firxaday dhinaca Puntland oo lagu soo jabiyey ayaa dagaalkaas ka sheegtay Guulo waaweyn, waxayna sheegeen inay cagta mariyeen kooxdii ay la dagaalameen.
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug Cabdikariim Xusseen Guuleed iyo Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Dawlada Federaalka ee loyaqaan NISSA qaybta Galmudug Saadiq Cumar Xassan ayaa warbaahinta u sheegay inay dagaalkaas maxaabiista ay ku qabteen oo tiro badan ay ku jiraan sadex nin oo jaaniib ah, Cabdikariim Xusseen Guleed aya ka gaabsaday inuu sheego Dalalka ay u dhasheen Maxaabistan ajaanibka ah, hase ahaate Warbaahinta ku hadasha Afka Dawlada Soomaaliya ayaa sadexdan nin ku sheegtay inay Labbo u dhalatay Dalka Kenya midna Tanzania.
Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay inay ka adkaadeen kooxdii ay kula dagaalameen Koonfurta Gobalka Mudug ayna ka dileen boqolaal, in ka badan boqola ay gacanta kaga dhigeen.
Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaaya sheegshada Galmudug kamana aysan hadlin Al-shabaab dagaaladan ka dhacay Koonfurta Gobalka Mudug iyo kuwii ay la gashay Puntland toona.
Maamul Gobaleedka Galmudug ayaa taageero ka codsaday Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Ciidamada AMISOM si ay degaanadooda uga saaraan Kooxda Al-shabaab oo xukunta in badan oo kamid ah Koonfurta Mudug iyo Galgaduud oo uu Maamulkaas sheegto.
Puntland Post