Gaas iyo Farole oo isku mowqif ka taagan arrinta 4.5 iyo waraysi arrintaa ku saabsan

FaroleGarowe(Puntland Post) Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole oo maanta la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inaysan waxba iska badalin wuxuu ka aamin sannaa nidaamka 4.5 oo ay Puntland horay u diiday.

Farole ayaa sheegay inuu Garowe kula kulmay maalmihii lasoo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxwaynaha Puntalnd, wuxuuna sheegay inuu u cadeeyay Sharmarke inaysan qaadan karin nidaamkaasi oo ay hal aragti shacabka iyo xukumadda ka wada istaageen.

Kulan uu shalay Farole kula qaaday madaxwaynaha Puntland xarunta madaxtooyadda ayuu sheegay inay kaga wada hadlen arrintan la isku dhaafsan yahay, wuxuuna shegay kulankaasi inuu sidoo kale fadhiyay wasiirka koowaad ee xukumadda Soomaaliya isla markasna uu mar kale ugu celiyay inaysan Puntland marnaba qaadan karin 4.5.

Arrimaha uu wado Ra’iisul Wasaaraha ayuu ku sheegay inuu yahay mid Olale loogu samaynayo madaxwaynaha Soomaaliya, balse aysan dhankooda yeeli karin.

Ma jirto ilaa iyo hadda wada hadalka DFS iyo Puntland ee Garowe wax natiijo ah oo la isku halayn karo oo kasoo baxay, waxaase socda dadaalo xoogan oo saxaafada loogu soo tabinayo wixii kulamadaasi kasoo baxay.

PUNTLAND POST