Ugu yaraan 65 qof oo ku dhintay iyo in ka badan 300 oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Pakistan

Pakistan(Puntland Post)-Qof naftii hure ah ayaa Magaalada Lohore ee Bariga Dalka Pakistan ku diley in ka badan 65 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 300 oo qof, iyadoo dhimashaduna sii kor dhayso marba marka ka danbeey.

Qaraxan oo ka dhacay goob ay dadku ku badan yihiin laguna magacaabo e-Iqbal Park  ayaa la soo wareinayaa dadka ku dhintay inay u badan yihiin Caruur iyo haween, wuxuuna qaraxu dhacay xili ay dadku aad aad ugu badnaayeen goobtan oo inta badanba mashquul ah.

Wariye ku sugan Pakistan ayaa soo tabinaya inuu qaraxani kusoo aaday xili Dadka Kiristaanka ay u dabaal degaayeen ciidooda lo yaqaan Easter-ka, waxaana Masuuliyada qaraxan markiiba sheegtay Kooxda Jamaat-ul-Ahrar oo katirsan urur weynaha Taliban qaybteeda Dalka Pakistan.

Afhayeen u hadlay kooxda qaraxan fulisay ee  Jamaat-ul-Ahrar  oo u muuqday inuu fariin u diraayo Raisul Wasaaraha Dalka Pakistan Nawaz Sharif ayaa sheegay inay gudaha u galeen Lohore ayna sii wadi doonaan qaraxyada ay ka geysanayaan Pakistan, aysana jirin cid is hor taagi karta falalka ay ka wadaan Dalkaas.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Militariga Pakistan ayaa isna ku hanjabay inay soo qaban donaan danbiilayaasha laynaaya Dadka rayidka ayna cadaalada hor geyn donaan.

Si kastaba ha ahaate Qaraxyada ka dhacaaya Dalka Pakistan ayaa u muuqda kuwo sii xoogaysanaaya iyadoo kooxda Jamaat-ul-Ahrar sheegatay qaraxyo dhawr ah oo horay uga dhacay Dalkaas.

Puntland Post