Nin lagu dilay isagoo ku jira Masaajid ku yaala Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Nin Soomaali ah oo kamid ahaa qurba joogta kasoo laabatay Dalka Kanada ayaa xalay lagu dilay isagoo ku jira Masaajid ku yaal degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen goob jogayaal Masaajidka kula sugnaa.

Sade Mahad Dirir oo xalay lagu dilay Masjid ku yaal Muqdisho
Sade Mahad Dirir oo xalay lagu dilay Masjid ku yaal Muqdisho

Sade Mahad Dirir oo ah Soomaali 40 jir ah kana kasoo laabtay Magalada Toronto ee Dalka Kanada ayaa lagu dhex dilay xili uu ku cibaadaysanaayey Masaajid ku yaal agagaarka Shaneemo Puntland Degmada Heliwaa ee Waqooyiga Muqdisho , waxaana dilkan geystay labba nin oo dhalinyaro ah oo aan haybtooda la garanayn, markii ay dilkan geysteena goobta iskaga cararay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkan walow Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dilal wajiyo kala duwan leh.

Sade Mahad Dirir ayaa Magaalada Muqdisho ku laabtay afar sano ka hor isagoo kamid ahaa tiro qurba jooga oo Dalkooda dib ugu soo laabtay si ay uga qayb galaan dib u dhiska Dalka.

Maahan dilkii ugu horeeyey oo ka dhaca Masjid gudihii Dalkan oo lagu tilmaamo mid dadkiisu dhamaan Islaam yihiin, ayna Masaajidu kamid yihiin goobaha Diinta Islaamku tixgelinta weyn siisay, Soomaaliduna si aada u tixgeliso.

Puntland Post