Pyongyang (Puntland Post)-Dawlada Waqooyiga Kuuriya ayaa soo saartay Muqaal loogu magac daray Jaaniskii ugu danbeeyey oo ay hanjabaad culus ugu dirayso Dawlada Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya.
Muqaalkan oo uu baahiyey Telefishinka Dawlada Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu sheegay inay qaadi doonaan weeraro gantaalada ridada dheer ah oo ay ku rakiban yihiin madaxyo Nuclear ayna ku weerari doonaan Dalka Maraykanka gaar’ahaan Caasimada Washington, hadii aan la joojin dhoola tuska ay sida wadajirka ah u samaynayaan Dawlada Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya.
Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa malinkii sabtida ku amray Ciidamadiisu inay u diyaar garoobaan weerar ay ku qaadaan Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Seoul oo ah Caasimada Koonfurta Kuuriya, hadii uusan Madaxweynaha Koonfur Kuuriya raali gelin ka bixin daandaansiga Waqooyiga.
Maahan Markii ugu horaysay oo ay Dawlada Pyongyang ku hanjabto inay weerar Nukleer ah ku qaadi doonto Washington iyo Seoul, waxayse dad baan is weydinayaan awooda ay Dawladaas u leedahay inay gantaalo nocaas ah ku garaacdo Maraykanka, walow ay waayadii danbe siweyn u horumarinaysay Hubkeeda Nukleerka iyo Gantaalada kala duwan.
Riix halkan si aad u daawato Video-ga
Puntland Post