Garowe(Puntland Post)-Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta laga sugaayaa wafti balaaran oo kasocda Beesha Caalamka, kuwaas oo iskugu jira IGAD, Midowga Yurub iyo Dalalka Gobalka waxayna qayb ka noqon doonaan dadaalada uu Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ku doonaayo inuu Puntland kaga dhaadhiciyo aqbaalada hanaanka wax qaybsiga 4.5.
Xubnahan oo uu hogaaminaayo xog-hayaha urur Gobaleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa la filayaa inay kulamo gooni gooni ah la qaadan donaan Madaxda ugu saraysa Dawlada Puntland, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada.
Raisul Wasaare Cumar ayaan illaa iminka ku guulaysan inuu reer Puntland ka dhaadhiciyo hanaankan, waxayna wararku sheegayaan inaan dhamaan la isku afgaran kulamadii uu la qaatay wax garadka iyo Dawlada Puntland, lamana oga waxa ay xubnahani ka bedeli donaan wada hadalada Socda.
Wixii kasoo kordha wada hadalada socda kala soco Warbaahinta Puntland Post