Baledweyne(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa goor dhawayd heshiis kula gaaray Magaalada Baledweyne sideed oday dhaqameed oo kamid ahaa kuwii sida aadka uga soo hor jeeday ka qayb galka Shirka Maamul u samaynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Heshiiskan oo dhigaaya inay odayaashu ka qayb galaan Shirka kasocda Jawhar si loo sii amba qaado hawlaha maamul u samaynta ayaa waxaa dhanka kale ka hor yimi qaar kamid ah Ugaasyada Gobalka Hiiraan, Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ah hogaanka dhaqanka Hiiraan ayaa sheegay inaysan marna isaga iyo inta la talada ah ka qayb geli doonin gogosha maamul u dhisida ee Jawhar balse uu xor yahay qofkii damac kaga jiro ka qayb galka shirkaas.
Ugaas Yaasiin Ugaas Maxamed oo isna kamid ah odayaasha heshiiska la gaaray Dawlada Federaalka ah ayaa dhankiisa soo dhaweeyey heshiiskan wuxuuna tilmaamay inay dhawaan u ambabixi doonaan Magaalada Jawhar si halkaa looga sii ambaqado hawlaha socda.
Wasiirka Arimaha gudaha Dawlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaan dhankiisa siweyn usoo dhaweeyey heshiiska ka dhacay Magaalada Balwedweyne, wuxuuna tilmaamay inay beriba bilaabi doonaan daad guraynta ergadda reer Hiiraan ee Shirkan ka qayb geli doona.
Lama oga waxa ay Dawladu ku qancisay odayaashan ay heshiiska la gashay oo horay mawqif midaysan uga taagnaa ka qayb galka shirka mudaba hakad ku jira ee Jawhar, waxaase muuqata inay Dawladu ku guulaysatay kala furfurida isku duubnidii odayaasha reer Hiiraan.
Puntland Post