Al-shabaab oo la wareegtay degaanka Ceel-baraf ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

Ceel-baraf(Puntland Post)-Warka laga helaayo degaanka Ceel-baraf ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya inay halkaas gudaha u galeen Ciidamo katirsan xarakada Al-shabaab markii Ciidamada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya ay jimcihii iskaga baxeen degaankaas.

Dadka degaanka Ceel-baraf ayaa sheegay inay kooxda Al-shabaab Magaalada lasoo galeen gadiidka dagaalka ayna isku fidiyeen inta badan degaankaas, AMISOM oo saldhig ku leh degaankaas ayaan wax talaabo ah qaadin iyadoo gabaad siisay dhawr oday oo kasoo cararay Al-shabaab, waxayna wararku intaas ku darayaan inay Al-shabaab Magaalada ka baadi goobayso dadka taageera Dawlada Soomaaliya sida odayaasha dhaqanka.

Xarakada Al-shabaab ayaa u muuqata inay  lasoo baxday firfircooni cusub iyadoo kordhisay weerarada ay ka geysanayso Koonfurta Soomaaliya.

Dalalka reer Yurub oo dhimay dhaqaalihii aysiin jireen AMISOM ayey dadka qaar u aanaynayaan habacsanaanta ku timi ciidamadaas iyo Dawlada Federaalka ah.

Puntland Post