Puntland oo ku adkaysanaysa diidmada 4.5 iyo Raisul Wasaare Cumar oo wada qorshe uu kaga dhaadhicinaayo

Garowe(Puntland Post)-Raysal Wasaaraha Dawlada Feraalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa kulamo gooni gooni la qaadanaaya Madaxda ugu saraysa Dawlada Puntland, Siyaasiyiinta, Isimada iyo qaybaha kale ee Bulshada, isagoo kala hadlaaya sidii ay u aqbali lahaayeen hanaanka wax qaybsiga Beelaha ee afar dhibic shan oo ay horay reer Puntland meel adag uga istaageen.

Kulmadan oo ay Saxaafadu banaan joog ka tahay ayaa Dadka uu Raisul Wasaaruhu la kulmay waxaa kamid ah Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali iyo xubno kamid ah golayaashiisa Dawlada, Madaxweynihii hore  ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno kale oo kasocday qaybaha kale ee Bulshada Puntland.

Warka ay ka helayso shirarkan Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaaya inaan wax is afgarad ah laga gaarin kulmadan socda, Iyadoo dhamaan qaybihii u la kulmay Raisul Wasaare Sharmake meel adag ka istageen ogolaanshaha in Dawlada badeli doonta tan iminka jirta lagu saleeyo hanaankii 4.5, Balse Cumar Cabdirashiid ayaa isna dhankiisa wada inuu reer Puntland ka dhaadhiciyo inay  aqbalaan qorshaha ay wada qaateen Dawlada Federaalka, Beesha Caalamka iyo Maamulada kale ee ka dhismay Koonfurta Soomaaliya oo ah in lagu sii socdo 4.5.

Lama shaacin xiliga uu Raisul Wasaare Sharmake soo afmeeri doono booqashada uu ku joogo Puntland, waxaase adag in si fudud dadka Puntland looga dhaadhiciyo qorshaha uu wado ee Afar dhibic shan, Iyadoo Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu horay u sheegay inaysan marna aqbali doonin hanaankan xitaa haduu soo farageliyo Xog-hayaha guud ee qaramada Midoobay Banki Moon.

Kala soco wixii kasoo kordha kulamadan ka socda Garowe Warbaahinta Puntland Post