Oramada Itoobiya oo samaynaaya banaan-baxyo ay ku dalbanayaan inay helaan xaquuq lamid ah tan Itoobiyaanka kale

Adis-Abeba(Puntland Post)-Telefishinka Caanka ah ee Al-jazeera ayaa baahiyey xaalad adag oo haysata Dadka oromada ah ee ku nool Bariga Dalka Itoobiya, Qowmiyadan oo aaminsan inaysan Dawlada Itoobiya ka helin xaquuq lamid ah tan ay helaan Qowmiyadaha kale ee Dalkaas ayna Dawladu si gaar ah u cadaadiso Oramada ayaa wada banaanbaxyo waaweyn oo ay ku dalbanayaan inay helaan xaquuq lamid ah tan qowmiyadaha kale.

Arday oromo ah oo dalbanaaya inay xaquuqdooda helaan
Arday oromo ah oo dalbanaaya inay xaquuqdooda helaan

Gobalka Oramada waxaa kasocday banaan-baxyadan bilihii ugu danbeeyey, kuwaas oo bilowday markii Dawlada Itoobiya ku dhawaaqday qorshe lagu balaarinaayo Caasimada Adis Ababa, taas oo ay Oromadu u qaateen xeelad dhulkooda lagula wareegaayo, Rabashadahan waxaa ku geeriyooday Dad ka badan 200 oo qof sida laga soo xigtay Hay’adda udooda xaquuqda Adamaha ee lagu magacaabo Human Right Watch oo fadhigeedu yahay Magaalada New York ee Dalka Maraykanka, hase ahaate Dawlada Itoobiya ayaa tilmaatay inay rabashadahaas ku dhinteen dad ka yar 20 qof.

Gabar lix jir ah oo lagu magacaabo old Abi Turi ayaa u sheegtay Telefishinka Al-jazeera inaysan xaadirin iyada iyo walaalkeed oo sagaal jir ah iskuulkooda oo ku yaal degaanka Wolonkomi, waxaana xirmay iskuuladii  Bishii Janaayo markii Dawlada Itoobiya bilowday ficilo lagaga hor tagaayo rabashadaha kasocda Gobalkaas oo ay ku nool yihiin qowmiyada ugu balaaran Dalka Itoobiya.

Muuqaalkan waxaa kasoo muuqday Caruur laga toogtay lugaha intii ay banaanbaxyadu ka socdeen Gobalka Oramada.

Inkastoo Dawlada Itoobiya dib uga laabatay qorshihii fidinta Caasimada ee loogu magac daray Master Plan hadana Oromada ayaa aaminsan inay Dawlada ka talisa Dalka aysan u diyaarsanayn inay horumariso adeegyada iyo Wadooyinka Gobalkooda.

Dalka Itoobiya ayaa lagu tiriyaa Dalalka Afrika ee uu dhaqaalahoodu sida xawliga ah u kobcaayo, walow dhanka kalena lagu eedeeyo inaysan ka jirin fur-furnaan iyo xoriyad uu Dadkiisu ku naaloodo, sidoo kale Saxaafad ayaan si xor ah uga shaqayn Dalkaas.

Puntland Post