Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo u muuqda inuu natiijo la’aan kaga labanaayo Baledweyne

Baladweyne(Puntland Post)-Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiraan Waxaa maanta ka dhacay banaan-baxayo rabashado watay oo lagu diidan yahay sida Dawlada Federaalka ee uu hogaanka u yahay Xassan Shiikh Maxamuud u wado qorshaha Maamul u dhisida Gobolada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana banaan baxayadan ku dhaawacmay tiro dad ah oo kamid ahaa mudaharadaayaashii.

Warka ay Puntland Post ka helayso Magaalada Baladweyne ayaa tilmaamaya inay fashil kusoo dhamaadeen kulamadii Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud la lahaa wax garadka Gobalka Hiiraan, iyadoo Odayaasha Gobalkaasi sharuudo adag ku xireen ka qayb galka shirka  Jawhar ee Maamulka loogu idlaayo labadda Gobal ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ah hogaanka odayaasha Hiiraan ayaa sheegay inay sadex qodob hor dhigeen Madaxweynaha aysana illaa iminka isku af garan.

Wax garadka Hiiraan ayaa diidey inay si gooni gooni ah ula kulmaan Madaxweynaha, waana tan keentay inay dhamaan Beelaha Gobalkaas istagaan mawqif midaysan.

Dadka reer Hiiraan ayaa mawqif adag ka istaagay ka qayb galka Shir Maamul gobaleed loogu dhisaayo Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana horay natiijo la’aan uga laabtay Magaalada Baledweyne xubno katirsan Dawlada Soomaaliya oo uu kamid yahay Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkiisa arimaha gudaha.

Puntland Post