Hawl-galo lagu adkaynaayo amaanka oo ka socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland

Bosaaso(Puntlland Post)-Magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar’ahaan Bosaaso, Garowe iyo Galkacayo waxaa kasocda hawl-galo waaweyn oo ay Ciidamada kala duwan ee Dawlada Puntland ku adkay-nayaan amaanka magaalooyinkaas, waxaana wadooyinka waaweyn hameenkii lagu arkayaa Ciidamo kala duwan oo baaritaano ku sumaynaaya Dadka iyo Gaadiidka.

Hawl-galadan ayaa lagu qab-qabtay dad kala duwan oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin koxaha falalka amaandaro geysta, Magaalada Bosaaso ayaa lagu xiray in ka badan 150 qof oo u badan dhalinyaro kuwaas oo baritaano kala gedisan lagu samaynaayo sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha qaybta Booliska Gobalka Bari.

Dadka lagu xiray Magaalada Bosaaso waxaa kamid ah rag si aada loogu tuhun san yahay inay kamid yihiin kooxdii ka dagaalantay Toga Suuj oo donaayey inay ka tahriibaan duleedka Bosaaso hase ahaate ay Ciidamadu gacanta ku dhigeen intaysan bixin.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Cabdirisaaq Afgaduud ayaa balan qaaday inay adkayn doonaan amaanka guud ahaan Puntland si looga hor tago falal aargoosi ah oo ay sameeyaan kooxdii lagaga itaalka roonaaday dagaalkii xeebaha Mudug iyo Nugaal, Jeneraal Afgaduud ayaa dadweynaha ka dalbaday wada shaqayn dhow oo ay la yeeshaan hay’adaha amaanka deganadooda ayna soo sheegaan wax kasta oo ay ka shakiyaan.

Dhanka kale Ciidamada ayaa haw-galo ay ku gobayaan firxadka kooxdii ka dagaalantay Suuj iyo Garacad kawada dhulka miyiga ah ee Gobalada Mudug, Nugaal,Bari iyo Karkaar.

Puntland Post