Booliska Gobalka Karkaar oo ku guulaystay hawl-gal ay xalay ka sameeyeen aaga Bandar-Bayla

Bandar-bayla(Puntland Post)-Ciidamada Booliska Gobalka Karkaar ayaa hawl-gal ay kusoo qabanayaan 20 nin oo kamid ah kooxdii ka dagaalantay Toga Suuj ee Gobalka Nugaal ka sameeyey meel u dhow tuulada Dharmaal oo katirsan Degmada Banar-bayla ee Gobalka Karkaar.

Ciidamada oo ku baxay degaanadaasi markii lagu sheegay 20 kamid ah kooxdii degaankaasi ka dagaalamaysay oo ay horay Ciidamadu u baadi goobaayeen ayaa iminka warka ay Puntland Post ka helayso halkaasi shegayaan inay Ciidamada Booliska Gobalku ku gulaysteen hawl-gal kaasi markii ay gacanta ku dhigeen 19 kamid ah ragii halkaasi ku sugnaa oo uu midi dhaawac yahay, mid kalena uu geeriyoodey intii hawl-galku socday.

Ciidamada ayaa iska caabin kooban kala kulmay kooxdaas inta aysan soo qaban, waxaana ku dhaawacmay labba askari oo katirsan Ciidamada Booliska Gobalka Karkaar, waxayna wararku intaas ku darayaan in maxabiista loo sii wado Magaalada Qardho, dhawaana saxaafada loo soo bandhigi doono.

wixii kasoo kordha kala soco Puntland Post