Bandar-bayla(Puntland Post)-Ciidmada Booliska Gobalka Karkaar oo ka war helay in qayb kamid ah firxadka Al-shabaabkii ka dagaalamay aaga toga Suuj ay soo galeen degaano katirsan degmada Bayla, gaar’ahaan meel u dhow tuulada lagu magacaabo Dharmaal ayaa gaaray deganadaasi iyagoo hareereyey kooxdii halkaas ku sugnayd.
Ciidamada oo galabnimadii shalay gaaray aaga ay ragaasi ku sugnaayeen ayaa gacanta ku dhigay 17 kamid ah kooxdii halkaas lagu sheegay iyadoo wararku sheegayaan inaysan weli is dhiibin illaa 3 nin oo ragaasi la socdey balse ay Ciidamadu ku hareeraysan yihiin.
Ciidamada ayaa iska caabin kooban kala kulmay ragaas kahor inta aysan gacanta ku dhigin, waxayna wararku sheegayaan in hawlgalada ragaas lagu soo qabanaayo u hogaaminaayo taliyaha qaybta Booliska Gobalka Karkaar iyo saraakiil kale oo katirsan laamaha amaanka Gobalkaasi, waxaana iska caabinta kooxdaas Ciidamada kaga dhaawacmay labba askari.
Tan iyo markii lasoo afjaray hawl-galadii ay Dawlada Puntland kaga sifaysay kooxdii kusoo duushay xeebaha Mudug iyo Nugaal, waxaa meelaha u dhow degaanadii ay hawl-galadu ka dhaceen laga helaayey firxadka haraadiga kooxdii soo duushay, in badan oo kamid ah waxaa Ciidamada usoo gacan geliyey dadka reer Miyiga ah ee degaanadaasi ku dhaqan.
Wixii kasoo kordha kala soco Puntland Post