Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa waxaa ay magaaladda Boosaaso ka
biloowday nidaam cusub oo ay shirkaddu ugu talagashay in ay si fudud
isugu xirmaan Maamulladda Dagmada, kuwa xaafadaha, laamaha amaanka iyo
Dadweynaha intiisa Kale.
Shirkadda ayaa waxaa ay Kaarar aan lacag laga qaadayn iyo Mobailo
uqaybisay golaha deegaanka dagmada Boosaaso, agaasimayaasha waaxaha ee
dowladda Hoose iyo gudiga 16ka xaafadood ee magaaladda Boosaaso,
kuwaas oo loogu tala galay in ay bulshada ku wacaan kaarar aan lacag
laga qaadayn, si ay bulshadu u hesho adeegyo aan kal go’in oo joogto
ah.
Kaararkaan ayaa sahlaya in ay bulshadu ku xiranto maamulkooda
xaafadaha iyo kan dagmada, si looga wada shaqeeyo Amaanka, caafimaada,
isku xiraanta iyo Dhamaan xaalada Dag daga.
Waa markii ugu horaysay ee ay shirkad isgaarsiin ah fuliso adeegaan
oo kale, waxaana ay Golaha deegaanka iyo maamuladda xaafadaha Boosaaso
xuseen in ay arintaani tahay mid ay ku xussi doonaan shirkadda Somtel
Puntland.
Puntland Post