Garacad(Puntland Post)-Maaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenka Eng Cabdilaahi Cumar Camey, qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo saraakiisha ugu saraysa Ciidamada qalabka sida ee Dawlada Puntland ayaa weli ku sugan Goobihii laga sifeeyey Al-shabaab ee Gobalka Mudug.
Dawlada Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu soo gabgaboobay hawlgalkii loogu magacdaray Danab ee kasocday xeebaha Gobalada Nugaal iyo Mudug, lagagana sifeynaayey koox kartisan xarakadda Al-shabaab oo degaanadaas bada kaga soo duullay 14-kii Bishan.
Dawlada Puntland ayaa sheegtay hawl-galkii ka socday Garacad inay ku dishay 208 dagaal yahan, ayna ku qabatay 64 kale, Dhanka Suuj waxaa la sheegay in lagu dilay 71, laguna qabtay 44, Tirada guud ee dhimashada Al-shabaab ayaa noqonaysa 279, halka Maxaabiis ahaana loo hayo 108, kooxdii soo dhuushay ayaa lagu tilmaamay inay dhamaayeen 600 oo dagaal yahan.
Wariye Cali Cabdi Ducaale oo katirsan Warbaahinta Puntland Post kana mid ah Saxafiyiinta lasocda Waftiga Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu General Saciid Dheere oo ah taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida uu xaqiijiyey in hawlgalkii Garacad ay Ciidamada kaga geeriyoodeen 20 askari ayna kaga dhawacmeen 60 kale, dhanka Suuj ayaa horay loo sheegay inay Ciidamada kaga geriyoodeen illaa 3 askari ayna kaga dhawacmeen ku dhawaad 10 kale.
Dhanka Al-shabaab ma jiro wax wara oo illaa iminka kasoo baxay ayna kaga hadleen dagaaladaas, iyo in kooxdii halkaas ka dagaalantay ay kamid ahaayeen xarakaddaAl-shabaab.
Intii ka hartay Kooxdii soo duushay ayaa u baxsaday dhanka Galmudug, halkaas oo la sheegaayo inay ku dagaalamayaan Ciidamada Maamulkaas, Masuuliyiinta Maamul Gobaleedka Galmudug ayaa wacad ku maray inay iska caabin donaan kooxda kasoo firxatay Puntland, walow qaybo kamid ah Maamulkaas ay mudo dheer kooxdaasi ka ariminaysay.
Puntland Post