Hobyo(Puntland post)-Warkaka ka imaanaya Koonfurta Gobalka Mudug oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug ayaa tilmaamaya in qaar kamid ah degaanadaas uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya kooxdii laga saaray xeebaha Bariga Gobalka Mudug ee Puntland iyo Ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug oo isgarabsanaaya.
Dagaalka oo saakadii hore qarxay ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay inay usii diyaar garoobeen firxadka kooxdii laga soo saaray Puntland ayna xuduuda ay la wadagaan Puntland sii geeyeen Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee loo yaqaan NISSA iyo kuwa Maamulka Galmudug, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey inay ka adkaan donaan kooxdaas oo u ku tilmaamay firxad aan tabar badan hayn.
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa tilmaamay in kooxda Al-shabaab ay Ciidamo badan soo dhoobeen degaanka Ceelhuur iyagoo ka imaanaya degmada Xara-dheere oo ay Saldhig weyn ku leeyihiin, wuxuuna ku goodiyey inay dagaal adag ku qaadi donaan kooxda halkaas ku sugan, isagoo intaas ku daray inay kooxdii maanta kula dagaalameen koonfurta Mudug ay ka qabteen Maxaabiisa gaaraysa 10 dagaal yahan.
Puntland oo soo afjartay kooxdii ay kula dagaalantay xeebaha Mudug iyo Nugaal ayaa shaacisay haraadigii kooxdaas inay u baxsadeen Koonfurta Gobalka Mudug, iyadoo horayna Al-shabaab xoog ku lahayd qaar kamid ah degaanada Maamulka Galmudug.
Puntland Post