Gudoomiyaha guud ee Dahabshiil iyo Beeshiisa oo ka dhaartay inaysan lug ku lahayn dilkii Saado Cali Warsame

Laascaanood(Puntland Post)-Kulan balaaran oo u dhaxeeyey labba beelood oo kala dega Magaalada Buuhoodle iyo Bariga Burco oo ay kasoo kala jedaan Allaha u naxariistee Fanaanadii caanka ahayd ee Soomaaliiyeed Saado Cali Warsame iyo Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Garoup Xaaji Maxamed Saciid Ducaale ayaa ka dhacay Magaalada Laascanood ee xarunta Gobalka Sool.

Kulankan oo ay kaga dharanaayeen Beesha mulkiilaha Shirkada Dahabshiil inaysan wax lug ah ku lahayn dilkii Fanaanadii Caanka ahayd ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo lagu diley Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay kana hadlay  odayaasha labadda Beelood.

Mulkiilaha Shirkada Dahabshiil iyo odayaal ay isku beel yihiin ayaa dhaar mayd halkaasi lagu mariyey, waxaana soo dhaweeyey inuu Xaaji Maxamed Saciid iska beri yeelo falkan dhamaan odayaashii labadda beelood ee kulanka kasoo qayb galay.

Tan iyo Dilkii Saado Cali Warsame waxay qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalidu baahinayeen tuhun ku aadan inuu falkaas ku lugu lahaa Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil

https://www.youtube.com/watch?v=R37G5R_acrU&feature=youtu.be&a

Puntland Post