Garacad(Puntland Post)-Ciidamada diifaca Dawlada Puntland ayaa saaka mar kale bilaabay hawlgaladii sifaynta haraadiga kooxda ka dagaalamaysa aaga garacad, waxaana maanta halkaasi ka bilowday dagaalo culus oo u dhaxeeya kooxda halkaasi ku sugan iyo Ciidamada kala duwan ee Dawlada Puntland.
Ciidamada Puntland oo maalmihii danbeba lagu daabulaayey degaanada ay kooxahaasi ku sugan yihiin ayaa u muuqda inay kusii dhaw yihiin suulinta maleeshiyaadkan dhanka xeebaha Gobalada Mudug iyo Nugaal kasoo degay, Warbaahinta Puntland Post oo la hadashay goob joogayaal ku sugan degaanka Garacad waxay noo xaqiijiyeen in la maqlaayo diryanka hubka culus oo loo badinaayo inay Ciidamadu u adeegsanayaan maleeshiyaadka hubaysan.
Dhanka degaanka Suuj oo ay Ciidamadu ku hareeraysan yihiin kooxdii halkaas ku jirtay dagaalo cusub illaa iminka lagama soo sheegin hase ahaate warka halkaa ka imaanaya ayaa tilmaamaya inaysan awood badan oo ku dagaalamaan aysan ku harin kooxda halkaas ku jirta maadama ay cunada iyo rasaastuba gabaabsi ku tahay sida laga soo xigtay maxaabiis laga qabtay maleeshiyaadkaasi.
Dadka reer Puntland ayaa wada olole balaaran oo ay ku garab istagayaan ciidanka dagaalka ku jira tan iyo markii xukuumada Puntland ku dhawaaqday dagaal furan oo aan loo kala harin Dad iyo Dawlad.
Puntland Post